Posts

Showing posts from March, 2018

Guddoomiye Jawaari oo shaaciyay ajandaha kulanka ugu soo horeeya ee Golaha Shacabka

Image
Khamiis ,Maarso, 29, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiyada joogta Golaha, ayaa waxaa looga wada hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha caadiga ahaa ee fadhiyada Baarlamaanka. Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu ka soo dhax muuqdo guddoomiye Jawaari tan iyo markii soo ifbaxay khilaafkan ayaa waxaa joogay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka. Laakiin waxaa kulanka ka maqnaa oo aan soo xaadirin guddoomiye ku-xigeenka koowaad mudane Cabdiwali Muudeey oo horay u sheegay in ajandaha ugu horeeya ee fadhiga Baarlamaanka uu noqon doono in cod la galiyo mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari. Kulanka ugu soo horeeya ee 31 ka Sabtida inagu soo foolka leh qabsoomaya ayaa lagu sheegay in looga dooddi doono arrimo xasaasi ah sida xiisada ka taagan degmada Beled-Xaawo, taasoo muujineysa khilaafka xoogan ee ka dhax jira Golaha Shacabka. Maalinta Sabtida ee taariikhda tahay 31 ...